Amnesty International Oo Ka Hadashay Go’aanka Ay Kenya Ku Xirayso Xeryaha Dhadhaab Iyo Kaakuma

0

Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International oo ay Xarumaheeda Dhexe ku yaallaan Caasimadda dalka UK ee London ayaa soo sartay Qoraal ay ku soo dhaweynayso Go’aanka ay Dowladda Kenya ku gaartay in Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma la xidi doono bisha June 30-da ee sanadka soo socda ee 2022-ka.

Hadal-qoraal oo uu soo saaray Ergayga Xafiiska Amnesty International u jooga dalka Kenya, Irungu Houghton waxa uu ku sheegay inay u baahan yihiin inay Dowladda Kenya iyo Hay’adda UNHCR si wadajir ah uga shaqeeyaan caddaynta  fursadaha badan ee Dib-u-dejinta Qaxootiga ama Dib-u-labashadooda Ikhtiyaariga oo Qaxootiga sharaf u noqon karta.

Waxa uu intaasi ku daray dareenka ku aadan Isdhexgalka Qaxootiga ka soo jeeda Mujtamaca Afrikada Bari, iyagoo la siinayo Fasaxa Shaqo Xor ah iyo Kalsoonida lagu qabi karo in meesha laga saaro Caqabadaha Maamulka iyo inay dhamaan Qaxootiga helaan Oggolaanshaha Shaqo.

Hay’adda Amnesty International waxay ku booriyeen Dowladda Kenya inaysan arrinta Qaxootiga ku larin Khilaafka Diplomaasiyadeed ee kala dhexeeya Somalia.