AMISOM Oo Loogu Baaqay In Aysan Ku Milmin Siyaasadaha Is Diidan Ee Soomaaliya

0

Shir ay isugu yimaadeen Guddiga isku duwidda Wadamada Ciidamada ka jooga Soomaaliya ee howlgalka AMISOM oo isugu jiray labo heer sida Heer Taliyeyaasha Ciidamada iyo heer Danjirayaal ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee ka jirta Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho iyo sida AMISOM ka yeeleyso.

War Murtiyeed ka soo baxay kulankan ayaa loogu baaqay ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM inaysan ku milmin siyaasadaha is diidan ee dalka Soomaaliya ayna noqdaan kuwo dhexdhexaad ah.

Kulankan oo uu shir guddoominayay H.E. Danjire Bankole Adeoye, Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga (C-PAPS), ayaa waxaa ka soo qeyb galay wakiilo ka socda wadamada Burundi, Djibouti, Ethiopia, Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo AMISOM, waxaana kulanka la isku raacay in ciidamada AMISOM ay muujiyaan feejignaan dheeri ah.