RW Rooble Oo Kulan La Qaatay Qaar Ka Mid Ah Ganacsatada Gobolka Banaadir

0

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta  la kulmay qaar ka mid ah ganacsatada gobolka Banaadir.

Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa Ganacsatada kala hadlay in ay kaalintooda ka qaataan xoojinta xasiloonida caasimadda iyo caawinta dadkii ku barakacay rabshadihii dhacay.