11 Dagaalame oo ka tirsanaa Al Shabaab oo lagu dilay Gobolka Sh/Hoose.

0

Ciidanka xoogga dalka ayaa ayaa saacadihii la soo dhaafay waxay howlgal ku tageen Tuulada Ugunji oo hoostagta degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada ayaa u sheegay Idaacadda Codka Ciidamada ee dowladda Soomaaliya inay ka war heleen in Al-Shabaab ay Tuulada Ugunji ku abaabulayeen weerraro ay kusoo qaadaan degaanka Janaale, sidaasina ay Ciidamada howlgalka ugu qaadeen.

Saraakiisha ayaa sidoo kale waxay sheegay in howlgalkaas ay Al-Shabaab uga dileen 11 dagaalame, sidoo kalena ay ka gubeen Gaari Cabdi Bille ah oo uu qori ku xirnaa, kaas oo ay uga qeyb qaadan jireen dagaalada iyo weerarada ka dhaca Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha Ciidamada ayaa ugu dambeyn waxaa ay sheegeen inay sii socon doonaan howlgallada ilaa iyo inta Al-Shabaab laga saarayo degaannada ay weli kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay dadka ku dhibaateeyaan.

Ciidamada dowladda ayaa inta badan waxaa au howlgallo kala duwan ka sameeyaan degaannada iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose, hayeeshee mararka qaar ay weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.