Xal laga gaaray colaad beeleed ka taagneed gobolka Sool

0

Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka gobolkaasi ay ku guulaysteen in la joojiyo dagaal beeleed maalmihii la soo dhaafay ka socday deegaanka Dhabar-dalool oo ka tirsan degmada Xuddun ee gobolka Sool.

Waxgaradka iyo odayaasha Gobolka oo booqday dhulkii lagu dagaallamay, ayaa dhinacyada ku qanciyay in ay xabadda joojiyaan, islamarkaana wada-hadal lagu dhammeeyo colaadda u dhexaysa labada beelood.

Sidoo kale Odayaasha Dhaqanka ayaa weli ku hawllan, waan-waan ku jihaysan sidii labada beelood heshiis rasmiya uga gaari lahaayeen colaadda degaanka, kadib markii ay dhinacyadu sheegeen in ay diyaar u yihiin Nabadda.