DAAWO:-Wasiir Xundubey” Wax dan ah oo dowladda ugu jira inay weerarto Saadaq Joon ma jirto, wax aan dowladda u qorsheysneyn yaan laga been sheegin”

0

Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xunudbey Jimcaale oo xalay warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda aysan qorshaha ugu jirin inay weerarto Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo dhawaan uu Farmaajo sheegay inuu garaadihii ka xayuubiyey.

Wasiirka ayaa beeniyey wararka sheegaya in dowladdu damacsan tahay ina xaafadda Shiirkole ku weerarto sarkaalkaas, balse waxaa la ogaa in xalay iyo habeenkii Arbacada guluf colaadeed laga dareemayey xaafadda Shiirkole, kadib markii ay dowladdu ciidamo soo dhoobtay wadada 30-ka.

“Arrinta ku saabsan Saadaq Cumar Xasan, taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir dowladda haddii ay rabto inay tallaab ka qaado saacadihii hore ayay ka qaadi laheyd, laakiin lama qorsheyn ninkaas arrintiisa in wax tallaab ah laga qaado, meesha hadda uu degan yahay oo xaafado bulsho nabdoon degan yihiin ah in la weeraro wax dan ah oo ku jiro malahan,” ayuu yiri Wasiir Xundubey.

Waxaa xalay aad u kacsaneed xaaladda xaafadda Shiirkole, iyadoo ay halkaas gaareen xildhibaano iyo odayaal dhaqan oo Jeneraal Saadaq Joon ku heyb ah, sidoo kale waxaa ka dhacay banaanbax ay dhigtay bulshada xaafadaas oo ku qeylineysay “Farmaajo dooni meyno” waxayna odayaashii iyo xildhibaanadii xalay halkas warbaahinta kula hadlay sheegeen inay iska difaacayaan hadii weerar uga yimaado ciidamo ay sheegeen in madaxweyne Farmaajo u soo diray.