Warbixin: Maxaa saaka ka socda Muqdisho? Akhriso wararkii u dambeeyey guuxa mudo kororsiga

0

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa xalay loo diray fariin uu guddoonku ku war-gelinayo inuu jiro Isniinta maanta ah kulankii golaha, waxaana ajendaha kulanka loogu sheegay in laga doodayo Mooshin ku saahabsan Doorashooyinka Qaranka.

Durba waxaa soo baxay wal-wal laga qabo inuu maanta dhaco mudo kororsi loo sameeyo madaxweynaha iyo baarlamaanka uu mudo xileedku ka dhamaaday, kaas oo hadii uu dhaco siyaasiiin badan ay qabaan in uusan ka yaraa doonin laba sano.

Wixii ka dambeeyey xalay markii fariinta war-gelinta ah loo diray xildhibaanada waxaa ciidan aad u badan lasoo dhoobay wadooyinka soo gala madaxtooyada Qaranka oo ay ku dhex taallo xarunta uu baarlamaanku ku shiro ee Villa Hargeysa.

Kulanka maanta la isugu yeeray xildhibaanada golaha shacabka lama oga in ka qeyb galkiisa loo ogolaan doono 15 xildhibaan oo horay guddoomiye Maxamed Mursal uu uga ganaaxay fadhiyada golaha, iyadoo kulankii u dambeeyey awood ciidan looga hor istaagay.