Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo ah Guddoomiyaha Golaha ay ku bahoobeen musharaxiinta mucaaradka ah ayaa ku eedeeyay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inay sameynayaan muddo kororsi.
Xilli maanta lagu wado in Golaha shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya uu kulan ku yeesho muqdisho, kaas oo ay kaga doodayaan arrimaha doorashada ayay imaaneysaa eedeynta midowga musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynihii hore, Shafiir Sheekh Axmed oo ay hareeraha ka taagnaayeen Ra’isul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shir ja’aaid ku qabtay magaalada Muqdisho,
Waa sharci darro in Baarlamaanka oo waqtiga ka dhammaaday uu u waqti xalaaleeyo Madaxtooyada oo 8-da Febaraayo 2021 waqtiga ka idlaaday, Dalkaan ma qaadi karo muddo kororsi siyaasad ahaan, Dhaqaale ahaan, Amni ahaan & dhinac weliba oo burbur galay, waxa intaas loo sameynaya waa xil jaceyl” ayuu sii raaciyay Shariif Sheekh Axmed.
“Waxaan aaminsanahay inay tahay Khiyaano Qaran in iyadoo doorashada laga heshiin karay oo ay dowladdu dayacdey in maanta la isku dayo muddo kororsi, waxaana leenahay hogaanka dowladda waqtigeedu dhamaadey waad ambateene soo noqda, oo Soomaaliya ha u horseedina inay dib ugu laabato wixii laga yimid” waa sida uu yiri Shariif Sheekh Axmed.