Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo caawa kulan isugu yeeray saraakiilsha laamaha aminga ee dowladda Soomaaliya, kaas oo lagu qabtay xafiiskiisa.
Ra’iisul wasaare Rooble ayaa taliyeyaashii uu la kulmay waxa uu ka dhageystay warbixinno la xariira xaaladda ammaan ee dalka iyo qorshayaashooda ku aadan sugidda amniga dalka.
Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Rooble uu saraakiisha kula dardaarmay sare u qaadidda sugidda amniga dalka, inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.