Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa hadda xilka ka qaaday Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John). Waxaana xilka Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir loo magaacabay Gaashaanle Dhexe Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole) oo loo dallacsiiyey Derejads Gaashaanle Sare
Xilka qaadista Taliyihii Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar ayaa ka dambeysay kadib markii shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho uu ku sheegay in uu joojiyay Kulankii Golaha Shacabka ee Maanta oo uu sheegay in lagu doonayay muddo kororsi.