Dowladda Shiinaha Tallaal cusub maanta ka soo dejineysa Muqdisho

0

Dowladda Shiinaha  ayaa maanta oo Axad ah dowladda Soomaaliya ku wareejin doonta 200.000 oo talaalka COVID19 ah, sida lagu shaaciyey qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowladda.

Magaca tallaalka maanta lagu wareejinayo dowladda Soomaaliya waxaa la yiraahdaa Sinopharm Vaccine, waxaana soo saaray dowladda China.

7-dii bishan ayay ahayd markii Danjiraha Soomaaliya ee dalka Shiinaha uu saxiixay heshiis tallaalka Covid-19 lagu keenayo Soomaaliya.

Danjire Cawaale Cali Kulane oo ah Safiirka Soomaaliya u jooga dalka Shiinaha ayaa hishiis ku aadan helida tallaalka ka hortaga cudurka COVID-19, waxuu la galay shirkadda Sinopharm ee dalka Shiinaha.

Sida qorshuhu yahay maanta galinka dambe ayaa dalka la keeni doonaa tallaalka Sinopharm.