Dowladda Turkiga oo xabsiga dhigtay saraakiil howlgab ah

0

Turkiga ayaa xabsiga u taxaabay 10 sargaal oo howlgab ah kaddib marki ay si cad u cambaareeyeen mashruuca kanaalka madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu hindisay oo laga dhisayo biyo mareen muhiim ah.

Saraakiishaan howlgabka ah ee la xiray waxay ka mid ahaayeen 104 sargaal oo saxiixay warqad caqabad ku ah mashruuca Erdogan uu damacsan yahay ee Bosphorus Strait.

Marin biyoodkaasi oo ah mid ay maraakiib badan isticmaalaan ayaa isku xiraa Badda Madow iyo badda Mediterranean.

Saraakiisha la xiray waxaa lagu soo oogay dacwad ah “iney ku heshiiyeen sameynta dambi halis ku ah amniga iyo awaamiirta dastuuriga ee dalka”.

Iyaga oo la mid noqonaya saraakiil ciidan oo aad u badan oo horay loogu maxkamadeeyey isku daygii afgembigii dhicisoobay ee Erdogan lalal damacsanaa oo dhacay 2016-kii