Madaxda DF iyo kuwa dowlad-gobolleedyada oo lagu wado in ay kulmaan

0

Warar ay heshay warbaahinta ayaa sheegaya in maalmaha soo socda uu magaalada Muqdisho ka furmi doono shir u dhexeeya madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Ujeedka shirka ayaa ah si loo dhameystiro Hishiiskii 17ka Septeembar 2020, kaasi oo qeexaya habraacyo muhiim u ah doorashooyinka dalka, maadaama weli muran xoogan uu ka taagan yahay.

Ilo wareedyo ayaa  sheegay in madaxda dowlad goboleedyada dhmaantooda ay imaan doonaan magaalada Muqdisho, iyadoona la filayo in saacadaha soo aadan in ay soo gaaraan magaalada Muqdisho.

Xogta ayaa sheegaysa in shirkan ay garwadeen ka tahay beesha caalamka.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in shirka uu ka dhici doono xarunta Xalane oo ku sugan yihiin dhamaan xubnaha beesha caalamka.

Dhowr jeer oo hore ayuu baaqday shir uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, maadaama maamulada Puntland iyo Jubbaland ay shuruud ku xireen in la helo meel amni oo lagu qaban karo shirka.