Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo bixiyay Shatigii ugu horeeyay ee lacagaha Taleefanka la isugu diro

0

Bankiga dhexe ee dalka ayaa maanta shatiga siiyay shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo bixisa adeega EVC oo ah adeeg lacagaha la’iskugu diro taleefoonada Gacanta

Munaasbad ay ka qeybgaleen Wasiiro ka mid ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Guddoomiyaha Banka dhexe ee dalka, mas’uuliyiin ka socotay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo marti sharaf ganacsato u badan ayaa xafladda lagu casuumay oo marki ugu horeeysay maanta  lagu bixiyay  shatiga lacagaha  taleefanada  la isugu diro ee Shirkada Hormuud.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane  Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle  oo furay munaasabadda ayaa sheegay inay ku faraxsanyahay dadaalka xoogga leh ee lagu habeeynayo nidaamka maaliyadda Soomaliya.

Wasiirka Qorsheynta iyo Horumarinta dhaqaalaha Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay lacagaha Taleefanada ay qeyb weyn ka yihiin horumarka dhaqaalaha iyo isgaarsiinta Soomaaliya.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee dalka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi  oo munaasabadda ka hadlay  ayaa sheegay in bandhiga dhexe  labadi sano ee ugu danbeeysay uu waday nadaamka  habeenta maaliyadda dalka,  isaga oo shati  guddoonsiiyay shirkadda Hormuud oo ah leesinka ugu horeeyay ee la siiyo shirkad bixisa adeega lacagta la isugu diro.

Guddoomiyaha Shirkada Hormuud Axmed Maxamuud Yuusuf ayaa munaasabadda ugu sheekeeyay horumarka isgaarsiinta iyo muhiimada shatigan wuxuuna Bangiga dhexe ee dowladda uga mahad celiyay sameynta xeer nidaamiya lacaga taleefoonka lagu diro.