Cabdi Xaashi oo War Cusub ka sheegay Shirkii Baydhabo & Kuraasta Somaliland

0

Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan muranka weli ka taagan doorashooyinka 2021-ka, Wuxuuna Fariin u diray madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, wuxuuna ka dalbaday in loo madax baneeyo arrinta soo xulida  xildhibaanada gobollada waqooyi oo ka mid ah qodobada sida weyn la’isuhu hayo.

Guddoomiyaha aqalka sare ayaa sidoo kale xusay in aan lagu tix-gelin shirarkii ka dhacay Dhuusamareeb iyo Muqdisho ee looga hadlayey doorashooyinka dalka, Wuxuuna  meesha ka saaray in aan heshiis rasmi ah laga gaaray arrinta gobollada waqooyi, kadib markii lagu shaaciyey war-murtiyeedkii kasoo baxay shirka guddiga farsamada.

“Mudanayaal waxaan idinla socod siineysaa inaanu jirin wax heshiis ah oo laga gaaray arrimaha aan kor kusoo xusnay , sidoo kale aaney jirin laba dhinac oo reer Waqooyi ah  oo isku haya doorashada, balse mushkiladu tahay qorshaha  iyo damaca  lagu raadinayo dib u soo noqoshada madaxweynaha taas oo sitoos ah uga hor-imaaneysa  rabitaanka Guud ee ah in dadka Reer Waqooyi si madax bannaan u maamushaan doorashada sida Gobolada kale ee dalka,” ayuu ku yiri qoraalkiisa Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Ugu dambeyn wuxuu soo bandhigay 4 qodob oo muhiim u ah arrimaha doorashooyinka xildhibaannada labada aqal ee gobolada Waqooyi , kuwaas oo kala ah:-

1: In ay si madax banaan u maamulaan Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi  habsami u socodka nidaamka doorashooyinka labada Aqal ee Gobolada Waqooyi si waafaqsan heshiiskii 17-kii September 2020.

2:  Dejinta habraacyada gaarka u ah  doorashada xubnaha labada Aqal ee Gobolada Waqooyi gaar ahaan kuwa Aqalka Sare.

3: Dhismaha Guddiga doorashooyinka & hubinta hirgelinta howlaha doorashooyinka heer waagaqsan nidaamka Guud ee doorashooyinka dalka .

4: Xulashada  Goobta ay ka qabsoomeyso  doorashada , hubinta amaankeeda iyo xaqiijinta in ay soo geli karaan dhamaan ergooyinka iyo musharixiinta tartamaya, Warbaahinta & Goobjoogayaasha.