Itoobiya oo ka hadashay in ciidamo soomaali ah lagu dilay dagaal ka dhacay gobolka Tigray

0

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia Dina Mufti ayaa beeniyay in ciidamo soomaali ah ay qeyb ka ahaayeen dagaalkii ay ciidamada itoobiya la galeen koox TPLF ee ka dhacay gobolka tigray ee waqooyiga dalkaasi.

“Waxaan aragnay warar sheegaya in ciidamada Eritrea ay usoo gudbeen xuduudda Ethiopia. Waxaan sidoo kale aragnay warar la mid ah oo sheegaya in askar Soomaali ah ay ka qeyb-galayaan dagaalka. Labada sheeko waa been abuur aan sal laheyn,” waxaa sidaas yiri afhayeenka.

Talaabadan  ayaa timid kadib markii guddiga arrimaha dibedda ee baarlamanka Soomaaliya uu warqad  u diray madaxweyne Farmaajo, taas oo looga dalbaday inuu ka jawaabo cabashada waalidiinta ee ah in caruurtooda la waayey ayaga oo ka dagaalamaya gobolka Tigray.