Mareykanka oo sheegay in saraakiil Al-Shabaab ay ku dileen gobolka Baay

0

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee qaarada Afrika ee  loo yaqaano AFRICOM ayaa faahfaahin  ka bixiyay diyaaradaha dagaalka mareykanka oo duqeymo la beegsaday saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin gobolka Baay.

Africom ayaa sheegtay in duqeynta ay ka dhacday deegaanka Saaxa Weyne ee gobolka Baay.

Warbixinta AFRICOM ayaa sheegay  in duqeynta ay ku dhinteen shan xubnood oo ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab, oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaal bartilmaameedku ahaa weerarka

Sidoo kale Africom ayaa xustay in wax khasaaro uusan ka soo gaarin dadka shacab ah

“Weerarka waxaa lala eegtay  hoggaamiyeyaal sare sare oo ka tirsan Al-Shabaab ah kuwaas oo fududeeyey maal-gelinta, hubka, dagaalameyaasha Al-Shabab iyo qaraxyada.

Mid ka mid ah wuxuu ku lug lahaa weerar horey loogu qaaday ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida,”  sida uu yiri sarkaal ka tirsan Mareykanka.General Dagvin Anderson oo ka tirsan AFRICOM.

“Inaan sii wadno kala dhantaalka Al-Shabaab annaga oo adeegsaneyna weeraro joogto ah, waxay muujineysaa inaan weli sii wadno ballan-qaadyada aan u sameynay saaxiibadeena,” ayuu yiri.