Xaliimo Yarey oo eedeyn u jiidisay D/goboleedyada dalabna u dirtay RW Rooble

0

Guddoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka  Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) ayaa ku xad gudub heshiis horay loo gaaray ku tilmaantay guddiyada ay soo magacaabeen inta badan dowlad goboleedyada dalka.

Xaliima Yarey ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka waxay ku sheegtay in maamul goboleedyada markii laga reebo Puntland aysan wax haween ah ku soo darin guddiyadii ay soo magacaabeen.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Rooble oo xukuumadiisu ay u xil saarantahay howlaha doorashooyinka ayey ka dalbadatay inuu wax ka qabto arrintaas oo ay ku tilmaantay xad gudub ka dhan ah heshiiskii madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu ku gaareen Muqdisho.

“Mudane Ra’iisul wasaare, waa wax laga xumaado, marka laga reebo Puntland, inta kale ee madaxda FM-ku ka reebtay haweenka guddiga doorashada. Tani waxay xadgudub ku tahay mabaadi’da heshiiska hoggaamiyeyaasha” ayey qoraalkeeda ku tiri Xaliima Yarey.