Madaxweynaha Galmudug Oo War Kasoo Saaray Doorashadii Gaalkacyo

0

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa soo dhaweeyay doorashooyinkii Golaha deegaanka iyo Guddoonka Magaalada Gaalkacyo oo maalmihii danbe si isdaba joog ah uga dhacay Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

“Reer Galkacyo waa ku mahadyihiin sida hufnaanta, daahfurnaanta iyo dimoqraadiyadda leh oo ay uga qeyb qaateen dhismaha golaha deegaanka & doorashada guddoonka degmada. Waxaan rajeynayaa in degmooyinka kale ku dayan doonan Gaalkacyo” ayuu yiri Qoorqoor.

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Magaalada Gaalkacyo oo ku guuleystay doorashadii maanta oo u dhacday si xor iyo xalaal ah.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay wasaaradda Arrimaha Gudaha, federaalka iyo Dib uheshiisiinta oo suura gelisay dhismaha golaha deegaanka iyo doorashada guddoonka Galkacyo. Dhinaca kale madaxweynaha ayaa ku dhiira-geliyay wasaaradda in ay dardar-geliso dhismaha golayaasha deegaanka dhamaan degmooyinka Galmudug ee dhiman.

Duqa Cusub ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa loo doortay inuu noqdo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan, halka ku-xigeenkiisa loo doortay Maxamed Cabdi Cilmi.