DHAGEYSO:-Axmed Madoobe” Doorasho Kama Dhaceyso Gedo Hadaan Jubaland Lagu Wareejin”

0

Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa maanta furay Kal-Fadhiga Sadexaad ee Golaha Wakiilada Jubbaland.

Axmed Madoobe oo khudbad ka jeediyey ayaa Xildhibaanada uga warbixiyay Xaalada Jubaland gaar ahaan sababta uu xukuumad usoo dhisi waayey iyadoo mudo hal sano ah laga joogo markii la doortay.

Wuxuu sheegay sababta xukuumad la’aanta keentay inay tahay in uu raadinayo midnimada iyo wadajirka Jubbaland, balse uu hadda soo dhisi doono xukuumad ka dhabaysa himilooyinka Shacabka iyo filashada ay ka qaban Dowladooda.

Wuxuu intaas ku daray inuu raadinayo sidii xal looga gaari lahaa dhibaatada ka taagan gobolka Gedo, isagoo dowlada federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay xageeda wax walba ka socon la yihiin.

Madaxweynaha ayaa sheegay in arimaha doorashooyinka heer federaal laga gaaray heshiis dhab ah kaas oo dhabaha u xaaraya sidii uu dalka ugu jihaysan lahaa doorashooyinka 2020/2021.