Sii hayaha R/wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed oo u hambayeeyay R/wasaaraha Cusub.

0

Sii hayaha R/wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar ayaa u hambalyeeyay ra’isulwasaaraha cusun mudane Maxamed Xuseen Rooble ee uu xalay magacaabay madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Waxaan hambalyo u dirayaa mudane Maxamed Xuseen Rooble oo madaxweynaha Jamhuuriyaddu u magacaabay xilka Ra’iisulwasaaraha dalka. Waxaan u rajeynayaa guul iyo in uu Eebbe la garab galo mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) sii hayaha ra’isulwasaaraha dalka ayaa alle uga baryay inuu ufududeeyo xilka iyo howsha culus ee loo ekmaday.