Lafta-Gareen Iyo Taliye Odawaa Oo Ka Wada Hadlay Howlgal Waddo Furis Ah

0

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa hoyga uu ka degan yahay Muqdisho kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyeed Generaal Odowaa Yuusuf Raage oo booqasho ugu tegay.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan amniga iyo guulaha laga gaaray Al-shabaab ka dhagaystay Taliye Odawaa Yuusuf Raage, isagoo tilmaamay Taliyaha  in howlgalgadii ugu dambeeyay ee laga fuliyay Gobolada Koonfur Galbeed lagu dilay xubno shabaab ah.

Taliye Odawaa ayaa Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen u sheegay in dhawaan Ciidanka dowladda Federaalka ay bilaabi doonaan howlgal wado furis ah oo laga fulinayo deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed.

Lafta-gareen ayaa Taliyaha uga mahadceliyey Booqashada ugu yimid, waxaana uu bogaadiyey howlgalada ay Ciidanka xoogga ka wadaan Guud ahaan dalka, isagoo xusay in maamulka uu hoggaamiyo ay go’antahay nabadeynta deegaanada.