Ciidamo Cusub Oo Tababar Loogu Dirayo Dalka Turkiga

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tababar u diraysa Ciidamo cusub, kuwaas oo tababar kusoo qaadan doona dibadda.

Mas’uuliyin ka tirsan dowladda ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyay Ciidanka Cusub ee ababarka loo qaday, waxaana ka mid ahaa mas’uuliyiinta  siihayaha wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga.

Ciidanka Cusub  ayaa loo qaaday dalka Turkiga, waxaana ay noqonayaan dufcaddii 3aad ee ururka 5aad ee Gor-Gor, waxaana ay tababar kusoo qaadan doonaan dalka Turkiga.

Dalka Turkiga ayaa ka mid ah waddamada saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya,w waxaana uu ka taageeraa dhinacyo kala duwan, tiro dhowr jeer ah Turkiga ayaa waxaa uu horay tababarro usoo xiray ciidamo isugu jira Millateri iyo Nabad sugid.