DHAGEYSO:-Guddiga doorashooyinka Qaranka oo sheegay inay u baahan yihiin muddo kordhin gaaraysa 13 bilood

0

-Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo yareey) oo maanta hortagtay xildhibaannada golaha Shacabka ayaa shaaca ka qaadday in ay u baahan yihiin 13 bilood oo ay ku diyaarinayaan sharciyadda doorasho Qof iyo cod ah.

Muddada codsiga ayaa waxay ka billaabaneysaa 20-ka July 2020, waxayna ku egtahay bisha August 2021-ka.

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 27-ka June ayaa la filayay in ay Guddiga hor yimaadaan Golaha shacabka Soomaaliyeed, si ay u caddeeyaan nooca doorasho ee Dalka ka dhici karta.
Halkan ka aqriso soo jeedinta Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka.