DHAGEYSO:-Senator Faroole “DFS Si degdeg ah waa in ay Ciidamada uga soo qaadaa Gobolka Gedo”

0

Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo katirsan Golaha Aqalka sare BFS, sidoo kale soo noqday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa DFS ku dhaliilay Ciidamada ay geysay Gobolka Gedo.

Faroole waxa uu sheegay Dowladdu ay ku xad-gudubtay nidaamka federaalka, iyada oo faragelisay arrimaha gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland sida Ciidamada ay geysay Gedo.

Dowladda Federaalka waxa uu ugu baaqay in shuruud la’aan ay ku qaato Ciidamada ay geysay Gobolka Gedo oo ay ka daabushay Magaalada Muqdisho Caasimadda dalka oo dano gaar ah kawadato.

Waxa uu soo hadal qaaday khilaafka ka dhexjira DFS iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland ee ka dhashay Doorashadii uu qabtay Axmed Madoobe oo ay dib ugu soo wada laabteen dhammaan madaxda Maamulka.

“Axmed Madoobe aqoonsi ugama baahno Dowladda Federaalka, waxaa aqoonsan dastuurka Dowlad Goboleedka Jubbaland, DFS iyada ayaa faragelin ku heysa Maamulkaas” ayuu yiri Senator Cabdiraxmaan Faroole.