Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay si nabdoon kula wareegay gacan ku heynta deegaanka Janaale ee gobolka Sh/ Hoose, kadib markii ay faarujiyeen dagaalyahannada Al-Shabaab oo 10 sano ah ku sugnaa deegaankaasi.
Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamadu ay gudaha u galeen Janaale, islamarkaana ay ka bilaabeen dhaq dhaqaaqyo cusub.
Cabdi Cali oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda ayaa faah faahin ka bixiyey howlgalkaasi iyo dhaq dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan halkaasi.