Magaalada Garoowe waxaa Maanta ka furmayo Shirka Siyaasadda Puntland

0

Magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Goboleedka Puntland waxaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo shirka siyaasadda Puntland ee uu iclaamiyay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Garoowe waxaa ku sugan Madaxweyneyaashii hore ee Puntland, Siyaasiyiin, Xildhibaanno heer federal iyo kuwa Dowlad Goboleedka Puntland, qaybaha kala duwan bulshada iyo dhaqanka.

Abaabulka furmashada shirka ayaa ka socda Magaalada Garoowe, kulamo gaar gaar ah waxaa saacadihii lasoo dhaafay yeeshay madaxda Dowlad Goboleedka Puntland iyo xubnaha kala duwan ee ka qaybgalaya kulanka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shirka ku tilmaamay mid muhiim ah u ah Mustaqbalka siyaasadda Maamulkaas, maadaama saamileyda siyaasadda ay iska xog warreysanayaan heerka Dowlad Goboleedka uu taagan yahay iyo kaalinta siyaasadda dalka.

Ammaanka Xarunta Gobolka Nugaal ee Garoowe ayaa la adkeeyay, waxaana la xiray la fasaxay goobaha waxbarashada muddo saddex cishe ah, halka la xiray goobaha ganacsiga, waxaana hakad galay isu socodka dadka.

Ciidamo dheeraad ah oo suga ammaanka ayaa la dhigay waddooyinka Magaalada Garoowe, waxa ay hubiyanayaan gaadiidka ay isticmaalayaan ka qaybgalayaasha Shirka Siyaasadda Puntland.