Akhriso Wareegtada lagu magacaabay Maamulka cusub ee magaalada Dhuusamareeb

0

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa maamul cusub u magacaabay degmada Dhuusamareeb oo ah caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Qoorqoor ayaa lagu magacaabay afar xubnood oo kala gudoomiyaha magaalada Dhuusamareeb, labo guddoomiye ku-xigeen iyo xoghaye.

Guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb waxa uu u magacaabay Cabdiraxmaan Cali Maxamed halka guddoomiye ku xigeeno loo magacaabay Cabdi Xaashi Caroole iyo C/xakiin Cabdulaahi Warsame,sidoo kale xoghayaha maamulka degmada ayaa loo magacaabay Cabdicasiis Faarax Aadan.