DHAGEYSO:-Guddiga soo xulista baarlamaanka KGS oo ka hadlay halka uu marayo soo xulista Xildhibaanada KGS

0

Maxamed Keeroow Guddoomiyaha Guddiga soo xulista baarlamaanka KGS ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay halka marayaan soo xulista Baarlamaanka labaad ee maamulkaasi.

Guddoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in guddiga haatan uu ku howlan yihiin sidii ay dhameyn lahaa tabashooyinka ka taagan soo xulista baarlamaanka labaad ee maamulka koofur galbeed Somaaliya, isagoona xusay in maanta oo ah 10 bishan ay qorshaha uu ahaa in la soo xulo baarlamaanka Labaad ee koofur galbeed Somalia, islamarkaana weli culeys ay jiraan.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in ay maalmaha soo aadan ay shaacin doonaan liiska xildhibaanada cusub ee baarlamaanka labaad ee maamulka Koofur galbeed Somalia.

Hadalka guddoomiyaha ayaa waxa uu ku soo beegmayaa in xili weli kulamo aan caadi aheyn ay ka socdaan magaalada baydhabo ee gobolka Bay, kaasi oo ku aadan sidii loo soo xuli lahaa baarlamaanka labaad ee maamulka Koofur galbeed Somaaliya.