Wafdi uu hogaaminaya Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Muxumed Caraale ayaa maanta waxaa uu gaaray magaalada Buula Burde ee gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uulyiinta Maamulka Degmada iyo Saraakiisha AMISOM gaar ahaan ciidamada Jabuuti ee ku sugan degmada Buula burde ee gobolka Hiiraan
Guddoomiya gobolka waxaa socdaalkiisa ku wehliya odayaal dhaqameed oo ka tirsan gobolka, kuwaasi oo markii ay gaareen Buula burde halkaasi si diiran loogu soo dhaweeyay.
Sababta uu guddoomiyaha u tagay degmada Buula burde ayaa waxaa lagu sheegay sidii uu xilalka ugu kala wareejin ahaa Maamulka degmada oo dhawaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle ay isbedel ku sameysay.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa inta uu ku sugan yahay degmada Buula burde waxaa uu kulamo la qaadan doonaan, maamulka degmada, saraakiisha ciidanka dowlada iyo kuwa AMISOM.