Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamed Xasan Cali ayaa shaqo joojin ku sameeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradaas.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiir Maxamed Xasan ayaa shaqada looga joojiyay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdiwahaab Cali Mursal, isagoo loo jeediyay eedeeymo kala duwan.
Sababta shaqo joojinta loogu sameeyay Agaasime Cabduwahaab ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay shaqo gudasho la’aan iyo inuu shaqada Wasaaradda uu soo xaadi waaye muddo ku dhow 20 Maalmood.