Madaxweynaha Dowlda Goboleedka KoofurGalbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa gaaray magaalada Diinsoor ee Gobolka Bay.
Cabdicasiis Laftagareen ayaa booqashada uu ku tegey magaalada Diinsoor waxa ay la xiriirtaa ka qeybgalka caleemasaarka guddoomiyaha degmada Diinsoor.
Garoonka Diyaaradaha degmada Diinsoor ayaa waxaa ku soo dhoweeyay Madaxweyne Laftagareen mas’uuliyiin ka socotay Maamulka degmada Diinsoor iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Madaxweyne Laftagareen ayaa mudada uu booqashada ku joogo magaalda Diinsoor waxa uu dhagax dhigi doonaa mashaariic kala duwan oo laga hirgelinayo magaalada Diinsoor.