Weftigii ka socday beesha caalamka ee uu hogaaminayey safiirka midawga yurub u qaabilsan soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay xisbiyada mucaaridka ah ee UCID Iyo Waddani ee Soomaaliland.
Kulankan weftiga beesha caalamku la qaateen xisbiyada mucaaridka ah oo qaatay wakhti badan ayaa lagaga hadlayey khilaafka ilaa hada ka taagan arimaha doorashooyinka somaliland.
Labada dhinac ayaa dood dheer ka yeeshay sida lagu soo afjari karo khilaafka mudada jiitamayey ee u dhexeeya xukuumadda iyo Mucaaradka Soomaaliland, kaasi oo ka dhashay arimaha doorashooyinka.
Dhinaca kale weftiga beesha caalamka ayaa la filayaa in maanta oo khamiis ah ay kulan la qaataan Madaxweyne Muuse Biixi kuwaasi oo kala hadli doono in si deg deh loo dhameeyo khilaafka u dhexeeya xukuumada iyo Mucaaradka Soomaaliland.