AKHRISO:- Iran: Mas’uul kale oo uu ku dhacay cudurka Corona

0

Gudoomiyaha guddiga baarlamaanka Iran u qaabilsan siyaasadda dibedda iyo ammaanka qaranka ayaa noqday mas’uulkii saddexaad ee dalkaasi uu uga dhaco caabuqa dilaaga ah ee Corona.

“Baaritaanka la igu sameeyay ee Corona ayaa muujiyay inaan qabo cudurkaasi. Ma miro wax laga walwalo. Hadda goob karantiilan ayaa ku suganahay. Haddii Alle idmo shacabkeena wey ka guulaysan doonaan Corona,” ayuu yiri mas’uulkaasi oo lagu magacaabo Mojtaba Zolnour.

Waxaa Isniintii shaaciyay inuu cudurka qaaday wasiir kuxigeenka caafimaadka ee Iran, Iraj Harirchi iyo weliba xildhibaan kale.

Ugu yaraan 22 qof ayaa caabuqaasi ugu dhintay dalka Iran oo ay saaran tahay cunaqabateyn uu Maraykanka kusoo rogay.