Wararka ka imanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in lagu diley saddex ruux oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta maamulka degmada Baardheere.
Sida ay sheegayaan dad ku sugan magaalada Baardheere waxaa lagu arkay meydadka saddex ruux oo ka mid ahaa guddoomiye waaxeedyada xaafadaha degmadaas.
Saddexda ruux ee la diley ayaa la sheegay in mid ka mid ah la gowracay halka labada kale rasaas lagu diley.
Ururka Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka saddexdan,balse illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin maamulka degmada Baardheere.
Raggan la diley oo caan ka ahaa magaalada ayaa dadka ku nool Baardheere waxa ay hadal hayaan maanta.