Baarlamaanka Galmudug oo ansixiyay Miisaaniyadda sanadkaan 2020

0

Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa maanta yeeshay kulan xasaasi ah oo looga doodayey Miisaaniyadda ay soo gudbisay wasaaradda Maaliyadda ee Maamulkaas.

Xildhibaanada oo dood dheer geliyey miisaaniyadda ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda ayaa ugu dambeyn isku raacay ansixinta Maasaaniyadaas oo gaareysa 17,230,054.00 ( todobo iyo toban malyan, laba boqol iyo soddan kun, iyo konton iyo afar doolar).

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Cali Gacal ayaa sheegay inay Xildhibaanada Galmudug u codeeyeen Maasaaniyadda lasoo gudbiyey isla markaasna ay hadda wixii ka dambeeyo tahay mid ansax ah.

Miisaaniyadda Maamulka Galmudug ayaa waxay sanadkii 2018 aheyd 8 Malyan, waxayna sare u kacday 50% marka la fiiriyo Miisaaniyadda sanadkaan 2020.