AKHRISO:- Ciidanka DANAB oo howlgal deegaano kula wareegay

0

Ciidanka Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa DANAB & kuwa Daraawiishta Maamulka Jubbaland ayaa howlgal qorsheysnaa ka sameeyay deegaano dhaca Aaga degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa waxaa ay sheeeen inay ka gudbeen Ciidamada Webiga Jubba,isla markaana ay gaareen deegaano dhowr ah,iyaga oo howlgalkooda ku doonaya inay Al-Shabaab kala wareegaan deegaanada ay ksga sugan yihiin Gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale mid kamid ah Saraakiisha Ciidanka Dowladda ayaa sheegay in Ciidamada deegaanno katirsan degmadaJamaamme gaar ahaan dhinaca wadada laamiga dheer ay ciidanka hawlgalada ka sameeyeen deegaannada Koban, Maanamoofa iyo dhulka ballaaran ee Jiinka Webiga dhaca.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay inay howlgalkaas ku dileen 8 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab,sidoo kalena Miinooyin badan oo dhulka lagu aasay ay ciidanku soo saareen.