Maamulka Puntland oo hanjabaad kulul ka bixiyay keenist ciidamo gobolka Mudug

0

Maamulka Puntland ayaa ku hanjabay inay dagaal kala hortagi doonaan haddii dowlada federalka isku daydo inay keento ciidamo gobolka Mudug.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowladda Puntland Axmed Muuse Nuur Yare ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay doonayso in ay ciidamo badan ku soo daabusho gobolka Mudug si ay ula wareegto.

“Waxaa jira qorshe ay ugu magac dartay Villa Somalia xoreynta gobolka Mudug laguna doonayo in Puntland looga xoreeyo gobolka, balse fashil buuxa ayuu ku dambeyn doonaa.”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay heleen warar sheegaya in qorshe abaabulan ay dowlada ku dooneyso in bisha saddexaad ee sanadkan ciidamo ku keento gobolka Mudug, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, si ay ula wareegaan guud ahaan gobolka.

“Tallaabi milatari ayaan uga jawaabi doonaa haddii ciidamada federalku ay cag soo dhigaan taako ka mid ah dhulka Puntland.”ayuu sii raaciyay guddoomiyaha gobolka Mudug.