DAAWO:-Maxaa ka Jira inay Somaliland diiday Booqashadii Madaxwayne Farmaajo ee Hargeisa ?

0

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa siwayn loo Falanqaynayey  Safar la sheegay inuu Madawaynaha DF Soomaaliya ku imaan doono magaalada Hargeisa, Taasi oo siyaabo kala duwan looga hadlay.

Waxaa Jirintaanka Arintan sidoo kale maanta Xaqiijiyey Gudoomiyaha Gulaha Guurtida Somaliland Salabeen Maxamuud Aadan oo Xusay inuu Arintaasi ka dambeeyo Raysal wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed.

Dhinaca kale Warbixin Goor dhowayd soo baxday ayaa lagu sheegay in Warqad ay maanta Qortay  Xukuumadda Somaliland oo loo diray Wasaaradda Arimaha dibadda Itoobiya lagu sheegay,  inaysan hada diyaar u ahayn inay Hargeisa kusoo dhoweeyaan Madaxwayne Famraajo.

Arintan ayaa imaanaysa Kadib markii ay dood Xoogan ka dhalatay Safarka Madaxwayne Farmaajo Hargeisa, iyadoona ay dad badan Xukuumadda Muuse Biixi ku dhaliileen, Halka ay Qaar kale ku taageereen.

Sidoo kale Madaxwayne Biixi ayaa la sheegay inuu dhowaan Baarlamaanka Warbixin kasiin doono Kulamadii Xogtooda la qariyey ee uu kusoo yeeshay magaalada Adisababa.