SAWIRO:- Madaxweyne Deni oo la kulmey Taliyaha Ciidanka Mareykanka ee Afrika

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Maraykanka Africom Gen. Stephen J.Townsend iyo wafdi uu hoggoominayo oo booqasho ku tegay Boosaaso.

Madaxweyne Deni iyo Taliyaha Taliska Africom Gen. Stephen J.Townsend waxay ka wada hadleen Amaanka Guud iyo la Dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada,iyo wada shaqaynyta Taliska Africom iyo Puntland.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Maraykanka Africom Gen. Stephen J.Townsend oo uu wehlinayo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya waxaa ay Magaalada Kismaayo kula kulmeen Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).