Al-Shabaab ayaa weerar ka geysatay wadada isku xirta Lamu iyo Garsen ee Gobolka xeebta ee Kenya, iyadoo gubay labo gaari oo ka mid ah gaadiidka ka qeyb qaadanaya dhismaha wadadaas.
Weerarkan ayaa wax khasaare ah sababin, sida warbaahinta gudaha ee dalka Kenya xaqiijiyeen.
Taliyaha Ciidamada Booliska ee Lamu Irungu Macharia ayaa sheegay in is rasaaseyn ay dhex martay Ciidamada Booliska iyo kooxdii hubeysneyd ee ka tirsaneyd Al-Shabaab.
Taliyaha ayaa sheegay in kooxdii hubeysneyd ay u carareen dhanka Keymaha oo ah goobaha Al-Shabaabka weerarada ka geysta gobolka xeebta ay ku dhuumaaleystaan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in weerarkan ujeedkiisa ahaa in lagu qaado xarun Boolis oo ka ag dhowaa wadada uu dayactirka ka socday ee labada gaari lagu gubay.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkan ka dhacay Lamu, waxaana horay u jiray weeraro Al-Shabaab ka geysteen gobolka xeebta.