Mas’uuliyiinta Ismaamulka Gobolka Mandhera ee Gobolka waqooyi Bari Kenya ,Xildhibaanada iyo Senatarada laga soo doortey Gobolkaas ayaa waxaa ay dalbadeen in Magaalada Mandheera ay ka baxaan Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland iyo Ciidamada uu wato.
Shir Jaraa’id oo ay mas’uuliyiintaan ku qabteen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa ay ugu baaqeen Xukuumadda Kenya in si deg deg ah ay Magaalada uga saaraan Cabdi Rashiid Janan iyo Ciidamada uu wato,isla markaana aysan dooneyn in dhibaato amni ay ka dhacdo Magaaladooda.
Waxaa ay hadalkooda intaasi ku dareen in Wasiir Janan iyo Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ay degan yihiin Hotel ku yaalla Magaalada Mandheera ayna wataan Ciidamo farabadan,isla markaana taas ay khalqal amni u keentay Magaalada sida ay hadalka u dhigeen.
Guddoomiyaha Mandhera Cali Roba ayaa sheegay in marnaba aysan raali ka noqoneyn in colaad laga abuuro Magaaloyinka Mandheera iyo Beled-Xaawo,hayeeshee Wasiir Janan uu hub iyo Ciidamo la soo galay Magaalada Mandheera.
“Xaqiqdii anaga a dooneyno in uu dagaal dhaco oo Mandheera iyo Beled-Xaawo ay hubka isku jeediyaan,waxaana ugu baaqayaa Xukuumadda Kenya inay Janan hubka ka dhigto ulana dhaqanto sidii qof qaxooti ah oo kale wixii ay u qaban laheyd ay u qabto ayuu yiri” Cali Roba.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in marnaba aysan raali ka heyn in Gudaha Magaalada Mandheera dad lagu khalqal geliyo ama ay arkaan hub farabadan,isla markaana dadka Shacabka ay cabsi dareemaan.