Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cimi Cismaan Karaash iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar ugu ambabaxay dalka Jarmalka.
Garoonka diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir Airport Garoowe, waxaa Madaxweyne ku-xigeenka kusii sagootiyey Xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Puntland, Saraakiil Ciidan iyo Masuuliyiin kale.
Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garoowe weli wax faah faahin ah kama bixin safarka uu Maanta Jarmalka ugu duuley Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland.