Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digtay wararka been abuurka iyo xogaha khaldan ee la isla dhexmarayo ay caqabad ku noqdaan jawaab ka bixinta cudrkan cusub ee coronavirus.
Agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ,Dr Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa warfidiyeennada u sheegay wararkaasi been abuurka iney saameeyeen shaqaalaheenna har iyo habeen ku howlan xal u helista cudurkan.
Caalamka oo dhana waxaa cudurkan cusub coronavirus laga helay dad ka badan 34,800, iyada oo tirada ugu badan ee dadkaasi ay yihiin dad u dhashay Shiinaha.
Dalka Shiinaha oo keli ah waxaa cudurkaasi u dhimatay dad ka badan 723, waddanka kale ee Shiinaha ka baxsan ee cudurkaasi looga dhintayna uu yahay dalka Philippines.
Dr Tedros wuxuu intaa ku daray cudurka inuu dalka Shiinaha oo keli ah uu ku haleelay 34,598 qof, ku dhawaad 25,000 oo dadkaasi ka mid ahna ay yihiin kuwa ku nool gobolka Hubei, ee dalka Shiinaha gobolkaasi oo ah halki ugu horreeyey oo cudurka cusub uu ka dillaacay.
“Waxaa kale oo aan doonayaa inaan si tifatiran uga hadlo muhiimadda ay leeyihiin xogaha rasmiga ah, Sahacabkuna waa iney helaan fursad ay ku heli karaan xogaha dhabta ah ee la xidhiidha sida uu qofka isaga ilaalin karo cudurkan iwm” ayuu yiri.
“Hay’adda WHO ahaan lama dagaallameyna oo keli ah caabuqa corona, balse waxay sida oo kale la dagaallameysay wararka been abuurka ah ee caqabadda ku noqon kara mas’uuliyadda na saaran.
“Wargeyska the Guardian oo boggiisa hore cinwaan uga dhigay, “Xogaha Khaldan ee ku saabsan cudurka coronavirus iney noqon karaan xogaha ugu khatarta badan ee cudurka laga faafiyo.”
Wargeyska The Guardian qaybta uu kaga faalloodo araa’da, wuxuu ku daabacay qoraal uu Dr Adam Kucharrski uu ku doodayo sida ugu wanaagsan ee wararka been abuurka ee la faafiyo looga hortagi karo iney tahay “in caabuqan loo daweeya si la mid ah faayrasyada caadiga ah.”
Toddobaadyadi la soo dhaafay oo keli ah waxaa caalamka ku baahay xogo khaldan oo ku saabsan faayrsakan cusub.
Wararka khaldan ee warbaahinta lagu baahiyeyna waxaa ka mid ah kuwa ku yaalla Britain iyo Mareykanka, iyaga oo warbixinnadooda ku lifaaqay muuqaal laga duubay haweeney Shiineys ah oo fiidmeer cuneyso.
Hongkong waxaa laga helay 26 qof oo faayraska cronavirus laga helay.
Khamiistina, muwaaddin 60 jir ah oo u dhashay Mareykanka ayaa la xaqiijiyey inuu isbitaalka Jinyintan ee ku yaalla Wuhan ugu dhintay cudurka Coronovirus.
Dhaktar u dhashay waddanka Shiinaha oo isku dayay inuu digniintii ugu horreysay kasoo saaro halista caabuqa dilaaga ah ee coronavirus, markii ugu horreysay ee uu dillaacay, ayaa ugu dambeyn u geeriyooday isla cudurkaas oo markii dambe ku dhacay, sida ay sheegeen warbaahinta dalkaas.