Wararka ka imaanaya degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay shalay gelinkii dambe labo askari Itoobiyaan ah, kana furteen hubkii ay wateen.
Al-Shabaab ayaa war ay soo saareen waxay ku sheegeen in labo ka tirsan Ciidamada Itoobiya ay ku dileen deegaan ka tirsan Gobolka Bakool
Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegay in labada askari ay ahaayeen kuwo baxsad ahaa oo ka goostay saldhigga Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin garoonka diyaaradaha Waajid.
Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in labada askari ay doonayene inay u tallaabaan dhanka Itoobiya oo ay lug ku aadaan.
Al-Shabaab ayaa intaa ku daray inay ka furteen labo qori oo isugu jira AK47 iyo qoriga sam shooter-ka loo yaqaan ee shiishka leh.
Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa ka mid ah degmooyinka gobolkaas ee ay horay Al-Shabaab u go’doomiyeen, iyadoo saanada ciidamada lagu gaarsiiyo diyaarado.