Guddoonka Baarlamaanada Dalalka Carabta oo fadhi ka leh gorgortanka Qarniga ee Madaxweyne Trump

0

Wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo gaaray Magaalada Amman ee Caasimadda Jordan waxa ay ka qaybgalayaan shir deg deg ah oo maanta ka furmaya Magaaladaas.

Ajendaha shirka waxa uu yahay in Gudoomiyaha Baarlamaanada Carabta ay fadhi ka yeeshaan go’aankii Madaxweynaha Mareykanka Trump ee ku aadanaa Heshiiska Qarniga ee Falastiin lagu dafiray madax banaanidooda.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jordan ayaa furaya fadhiga, isla xiligaas waxa uu martida ka hor sheegayaa kulanka deg deg ah iyo doorka dalalka islaamka ee garab istaagga u muujinaya dad falastiiniyiinta.

Kulanka marka uu furmo kadib, waxa uu qorshuhu yahay in warmurtiyeed ay ku mideysan yihiin Baarlamaanada Dalalka Carabta oo lagu difaacayo qadiyadda falastiin, loogana soo horjeesanayo Heshiiska Qarniga ee uu wado Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump laga soo saaro.

Xildhibaan Cali Axmed Jaamac Jangali oo kamid ah wafdiga Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah ku tilmaamay fadhigaan.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa cambaareen kala kulmay inta badan wadamada islaamka, kadib markii uu ku dhawaaqay heshiiska Qarniga oo ka dhigan in Falastiiniyiinta aysan yeelan Dowlad, isla markaana ay ku hoos-noolaadaan Israel.