DHAGEYSO:-Madaxweyne Geelle oo ka hadlay dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab

0

Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay howlgalka ciidamada AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya, dagaalka ka dhanka ah Al shabaab iyo Arimo kale

Madaxweyne Geelle, ayaa sheegay in waqtigan uu yaraada awooda Al-Shabaab, islamarkaana ay soo xoogeysteen ciidamada dowladda federaalka Somalia.

Sidoo kale Madaxweyne Geelle ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka ay Al-Shabaab bilaabeen sanadkii 2007, Balse hada ay  yaqiinsadeyn in aysan sii wadi karin dagaalka ka dhanka ah Dowladda iyo Ciidamada AMISOM.

Boqolaal ka tirsan ciidamada Jubuuti ayaa xiligan waxaa ay ka howgalaan degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan, kuwaasi oo qeyb ka qaata dagaalka lagula jiro dagaalamayasha Al-Shabaab.