Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho nin oday ahaa, iyadoo kooxdii dilka geysatay ay goobta ka baxsadeen.
Dilkan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafada Suuq Boocle, waxaana ninka la dilay magaciisa lagu soo koobay Hilowle, kaasoo xaafadaas ku iibin jiray Moos
Wararka ayaa intaa ku daraya in labo dhalinyaro oo bastoolado ku hubeysna ay dileen marxuumka, waxaana markii falka dilka dhacay lagu kala cararay Suuq Boocle.
Ciidamo ka tirsan Booliska oo gaaray goobta dilka ka dhacay ayaa baaritaano ka sameeyay, inkastoo aanay u suura gelin in la soo qabto kooxdii dilka geysatay.
Illaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysa dilka ninkaas, mana jirto cid sheegatay, inkastoo dadka deegaanka ay sheegayaan in dilkan ka mid yahay dilalka ujeeddo badanka ah ee magaalada ka dhaca.