Urur Goboleedka IGAD ayaa War ka soo saaray Doorashada Madaxwaynaha iyo ku-xigeenkiisa Galmudug oo ka dhacday Magaalada Dhusamareb.
Qoraalka IGAD ayaa waxaa hambalyo loogu diray Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Ku xigeenkiisa.
Sidoo kale IGAD ayaa balan qaaday in ay la shaqeyn doonto maamulka Galmudug.