Akhriso:-Banaanbax maanta lagu wado inay ka dhacaan deegaanada Galmudug

0

Banaanbax lagu taageerayo madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta lagu wadaa inay ka dhacaan Magaalooyinka Dhuusamareeb, Cadaado Caabud waaq iyo deegaano kale oo ka tirsan gobalada Galgaduud iyo Mudug.

Boqolaal dadweyne iyo Masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan banaanbaxaasi.

Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shalay loo doortay Madaxweynaha maamulka Galmudug, kadib doorasho ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb